Galmudug oo qanacsatada ugu baaqday in adeegsadaan dekedda Hobyo

Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga badda ee Galmudug ayaa hir galisay qorshe ay ganacsatadu kala soo dagi karaan maciishadaha yaryar.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo qanacsatada ugu baaqday in adeegsadaan dekedda Hobyo

HOBYO, Soomaaliya - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga badda ee Galmudug Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in ay hirgaliyeen dekad kalluumeyi oo ay ugu tala-galeen, in ay ka faa’iideystaan kalluumeysatada degaannada Galmudug iyo ganacsatada doomaha yar yar alaabaha ku keensada.

Sidoo kale goobtaan la diyaariyay ayuu sheegay in ay mustaqbalka noqon doonto goob laga ilaaliyo ammaanka dekadda weyn ee Hobyo marka la dhameystiro dhismaheeda.

Cabdirashiid Maxamed ayaa ugu baaqay ganacsatada Galmudug in ay alaabaha yar yar kala soo degaan Hobyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.