Galmudug oo qeylo-dhaan ka soo saartay abaaraha

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay inuu bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba u soo bandhigo xaaladda aan caadiga ahayn ee dadkeennu wajahayaan xilligaan.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo qeylo-dhaan ka soo saartay abaaraha

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Shir-weynaha Abaaraha Galmudug ayaa xalay ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad gobolleedka Galmudug, kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug.

Shirka waxaa ka qeyb galay, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaab Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ahaa, Wasiirrada iyo Xildhibaannada maamulka, Guddiga Gurmadka Abaaraha, culimadda, ganacsatada, dhallinyarada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Galgaduud.

U-jeedka shirka oo ahaa u qareemidda iyo garab istaagga dadka abaaruhu wax-yeelleeyeen ee ku dhaqan Galmuudg, ayaa hoosta laga xariiqay in muhiimadda koowaad la siiyo u gurmashada dadka degaanka ee sida daran abuurtu u saameeyesay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibaddiisa iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu sida daran u saameysay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay inuu bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba u soo bandhigo xaaladda aan caadiga ahayn ee dadkeennu wajahayaan xilligaan.

Warsame wuxuu sheegay inuu diiradda saarayo sidii loo fududeyn lahaa garmadka loogu tala-galay dadka danta-yar ee reer Galmudug iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dhibaatada ee dadku kala kulmayaan Kooxda xiriirka la le Al-Qaacida Al-Shabaab.

Ergeyga oo shalay gaaray qaar ka mid ah degaannada Galmudug, si uu ugu kuur-galo inta ay la egtahay saameynta abaarta, ayaa si weyn ugu nuux-nuuxsaday baahida loo qabo degdeg uga jawaabidda xaaladda abaaraha ee ka taagan Mudug iyo Galgaduud.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad abaareed oo aad u daran, iyadoo afar xilli roobaad baaqdeen lana hubin in la heli doono midka soo socda, taasoo sii murjineysa xaaladda dadka abaaruhu saameeyeen ee xilligaan gacan qabadka u baahan.

In ka badan 7.1 milyan oo qof ayaa si ba'an abaartu u wax-yeelleysay, qiyaastii 213,000 oo qof ay soo food saartay cunto yari daran, waxaa la sheegayaa in marxaladda abaaruhu u gudbeen macluul, xilli aan wali la helin gargaarkii loo baahnaa xilligaan adag.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.