KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Maamulka gobolka Galgaduud ayaa si rasmi ah usoo xiray tababar socday muddo dhowr iyo toban cisho ah saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xubno isugu jira Booliiska iyo Nabadsugida ka howl gala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka faa'idaystay tababar socdey mudo dhowr iyo toban cisho ah oo ku saabsanaa habka baarista dambiyada iyo habraaca Sharciga, waxaana tababarkan soo agaasimey Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Galgaduud maxamed cabdi kadiye, tababarka waxaa carsharo ka bixinayay qareenno ka socday gobolka Benaadir. Munaasabadda xiritaanka ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay xubno saraakiil ah oo ka qayb galay tababarkaas.
Abuukaate Ismaciil Yuusuf Xalane uu horkacayay qareenada tababarkan bixiyay ayaa ku amaaney Booliiska iyo Nabadsugida magaalada Dhuusamareeb sida ay u muujiyeen dadaalka dheeriga ah.
Taliyaga qeybta Booliska Galgaduud G.dhexe Sharmaarke cabdule warsame ayaa xubnaha ka faa'iideystay tababarkan ujeediyay dardaaran ku aaddan sida looga filayo in ay kasoo dhalaalaan casharada ay qaateen oo muhiim u ah baarista dambiyada ka dhaca deegaanka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.