Galmudug oo is khilaaftay

GALKACYO(KEYDMEDIA) Waxaa khilaaf xoogan oo sababay xil ka qaadis uu soo kale dhex galay madaxweynaha maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin iyo wasiirkii warfaafinta ee maamulkaasi Abshir Max’ed Aadan.
Warar Keydmedia Online

Caalin ayaa xalay ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba xilka ka qaaday Wasiirkaasi kadib markii wasiirka uu warbaahinta ka sheegay hadalo aan qancin maamulka, waxaana uu xusay Caalin inuu dhawaan soo magacaabi doono wasiirkii badali lahaa mas’uulka xilka laga qaaday.

Abshir Max’ed Aadan oo horaantii todobaadkan la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ku eedeyay  Caalin iyo Afhayeenka Galmudug Axmed Baasto in ay ka fara maroorsadeen xilkiisa isla markaana shaqadii warfaafinta ay faraha kula jiraan taasoo caragalisay korneel caalin.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.