Ganacsade Caawa lagu Dilay Kismaayo

Kismaayo(KON)-Magaalada Kismaayo ayaa Goor dhaw waxaa lagu Dilay Ganacsade caan ka ahaa Magaalada,waxaana lagu soo waramaya in Dilka Ganacsadaha ay fuliyeen Maleeshiyada Raas kambooni.
Warar Keydmedia Online
Ganacsade Caawa lagu Dilay Kismaayo

Ganacsadaha  ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xasan Diiriye Quuq,waxaana la dilay Salaadii Maqrib ka dib meel u dhaw guriga uu ka daganaa Magaalada Kismaayo oo u dhaw Xaruntii hore ee Shirkada Nition.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia  u sheegay in Marxuunka ay dileen Koox hubeeysan oo watay Dharka Maleeshiyada Axmed madoobe ee Magaalada Qaska ka wada.

Ilaa iyo hada lama sheegin Sababta Dilka Ganacsadaha,laakiin waxaa uu qeyb ka yahay Dilalka ay Magaalada Kismaayo ka geeysanayaan Kooxda Raas kambooni.

Maleeshiyo Beeleedka Raas kambooni ayaa Magaalada Kismaayo ka fuliya Dilal iyo Dhac ay ku hayan dadka Bulshada Indhaha u ah.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.