Ganacsatada Muqdisho oo dhinac walba ka dhiban

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanad walba in ka badan $15-27 milyan oo dollar ka qaada Ganacsatada Muqdisho, iyadoo qofkii diida disha, sida ay sheegeen qubarada amniga.

Warar Keydmedia Online
Ganacsatada Muqdisho oo dhinac walba ka dhiban

MUQDISHO, Soomaaliya - Ganacsi Muqdisho ayaa sanado badan wajahaya dhibaato iyo culeysyo uga imaanaya dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya, oo 31 sano kusoo jiray colaado.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa hadda ku loolamaya canshuurta Ganacsiga Caasimadda, iyadoo labada kooxood dhinac walba uu kusoo rogay lacago baad ah, oo sanadkiiba mar ka qaadaan.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga, ayaa sheegaya in kooxaha argagaxisadda, ee iska soo horjeeda ay bartilmaameedsanayaan Shirkadaha waaweyn iyo Ganacsiyada kale ee Xamar.

Labadii sano ee ugu dambeysay, si aan horay loo arag ayay labada koox u kordhiyeen Canshuurta, iyagoo adeegsanayaan cabsi-gelin iyo janbaaado Taleefonka u mariyaan Ganacsatada.

Al-Shabaab ayaa horey u canshuuri jirtay ganacsiga Xamar, si ay ugu maalgeliso dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, iyadoo hadda sare u qaaday dalabaadkeeda.

Waxaa sida muuqata hadda Daacish isku dayaysaa inay adeegsato xeeladaha Al-Shabaab ee hanjabaadda dilka iyo caga-jugleynta Ganacsatada, si ay u ogolaadaan bixinta Canshuurta.

Ilo wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay Keydmedia in Daacish ka dambeysay dilalka ugu yaraan 8 ka mid ah shaqaalaha Hormuud 2018 kadib markii shirkadda ugu weyn ee isgaarsiinta dalka, ay diiday inay bixiso dhowr milyan oo dollar oo Kooxda waydiisatay.

Daacish ayaa qarxiyay dhowr Xaruumood oo Ganacsi oo ay kamid tahay Dahabshiil, oo xarunteeda Suuqa Bakaaraha albaabka lagu qarxiyay baabuur June 2019 kadib markii Shirkadda ka dhega-adeegtay dalabka kooxda inay bixiso qiyaastii $3 milyan oo dollar, taasoo ugu dambeyn sida la sheegay bixisay markii ay shaqaalaheeda iyo xaruumaheeda noqdeen bartilmaameed.

C/raxmaan Maxamed Tuuryare, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagaha baada ah ee laga qaado ganacsiga Muqdisho ay tahay mid lagu ceejinayo ganacsatada, oo hadii aysan u hogaansamin dalabka kooxaha argagaxisadda la dilayo.

Ganacsatada maanta waxay bixinayaan saddex canshuur, canshuurta Al-Shabaab, Canshuurta Daacish iyo canshuuraha dowladda caadiga ah,” ayuu yiri Tuuryare, oo intaasi ku daray in Ganacstada badan  lagu qasbay in ay u qaxaan wadamada deriska ah sababtoo ah lacagaha baada iyo amni darada."

Haddii ay bixin waayaan ganacsatada saddexda Canshuur, waxaa la beegsan doonaa naftooda, Carruurtooda iyo Maalkooda, Ciqaabtu waa dil. Waa inay kala doortaan labadaas.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waaxda maaliyadda ee kooxda Al-Shabaab waxa ay "noqotay hay'adda aruurisay lacag ka badan mida Wasaaradda Maaliyadda dowladda, taasoo lagu qiyaaso bil walba $15 illaa 27 milyan oo dollarka Mareykanka.

Wakiillada Al-Shabaab ee dhanka maaliyadda, ayaa “canshuur” ka qaada noocyo badan oo ganacsi oo Soomaaliya ka jira, sida waxa laga soo saaro beeraha iyo xoolaha, waxayna sidoo kale hadda billaabeen in dhulka/boosaska la kala iibsado inay lacag ka qaadaan, iyagoo howsha u fududeeya dalaalka wax kala iibiya, sida KON xogta ku heshay.

Todobaadkii lasoo dhaafay, suuqa Bakaaraha qeybo kamid ah, gara ahaan qeybta alaabaha dhismaha lagu iibiyo ayaa xirnaa saddex maalin kadib markii ganacsatada bixin waayeen lacag u dhaxaysa $20,000 illaa $40,000 la waydiistay Bakhaar walba.

Waxay Ganacstada la shireen Al-Shabaab iyo dowladda, si xal ugu helaan Khatarta iyo Hanjabaadda Daacish, balse lagu guul-dareystay in la isku raaco sida loo wajahayo, waxaana taasi keentay in albaabada la isagu dhufto Bakhaaradda ku yaalla Jidka 2aad ee Bakaaraha [Jid-Mareexaan].

Maalin kahor, booliska dowladda ayaa si qasab ah ku furay goobihii xirnaa, waxaana muuqata in dowladda iska weecinayso tooshka, balse aan ka fekerin nolosha ganacsatada oo u nugul inta goobtooda loogu galo kadibna lagu dhex dilo ama guryahooda lagu beegsado. Ma jirto cid saddexda dhinaca amni u balan-qaada Ganacstada, mid walba wuxuu fiirsadaa lacagta canshuurta uu markaas ka qaadayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.