Ganacsatada oo loo diray Digniin culus oo la xiriirta Al-Shabaab

Dowladda ayaa sheegtay inay kula jirto Al-Shabaab dagaal militeri, mid ganacsi iyo mid warbaahineed, iyadoo dhawaan la xiray baraha Internet oo lagu baahin jiray wararka kooxda.

Warar Keydmedia Online
Ganacsatada oo loo diray Digniin culus oo la xiriirta Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Jibriil C/rashiid, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa Maanta soo saarey digniin culus oo uu u diray Kooxda Al-Shabaab, oo hadda ku furay dagaal dhowr jiho ah.

Qoraal uu soo saarey Wasiirka ayuu ku shaaciyay in dowladda ay go'aansatay in ay la wareegto hantida ganacsade kasta oo la macaamila Al-Shabaab, sidoo kalena lagana noqon doono shatiga.

Ganacsatada ayaa sidoo kale looga digay inay lacag canshuur ah siiyaan Kooxda, iyadoo qofkii helayo muteysan doono cawaaqib xun, oo looga mamnuucayo inuu dalka markale ku ganacsado.

Dowladda ayaa sheegtay inay kula jirto Al-Shabaab dagaal militeri, mid ganacsi iyo mid warbaahineed, iyadoo dhawaan la xiray baraha Internet oo lagu baahin jiray wararka kooxda.

Wasiirka ma uusan sheegin in dowladda ay damaanad qaadayso amniga Ganacsadaha, maadaama uu cabsi u bixiyo lacagta Al-Shabaab soo waydiisa, si uu uga badbaado inay Kooxda disho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.