Ganacsatada Buurhakaba oo ka hortimid baaq uga yimid kooxaha dowladda ka soo horjeeda

Buurhakaba(keydmedia) Ganacsatada degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa ka biya diiday dalab ugu yimid maamulka halkaasi ka taliya ee kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Warar Keydmedia Online

Kulanka loogu baaqay ganacsatada ayaa u jeedadiisu aheyd sidii looga qaadi lahaa lacago lagu taageerayo maamulkaasi, waxaana ganacsatada gabi ahaanba ay ka dhaga xirteen kulankaasi loogu baaqay.

Dhawaan ayaa degmada Buurhakaba waxaa ka dhacay isbadal maamul kadib markii dagaal loogala wareegay degmadaaasi kooxda Xasan Daahir isla markaana awooda maamul ee degmadaasi ay la wareegeen kooxda Godane.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.