Ganacsato lagu Dilay Galkacyo

Wararka Keydmedia.net ay ka heleyso Magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu dilay laba ruux oo ganacsata ah.
Warar Keydmedia Online

Dilka ayaa ka dhacay Waqooyga Magaalada Galkacyo xaafad ku taalo oo la yiraahdo Garsoor, waxaana aan si hufan loo aqoonsan sababta ka danbeysay  dilalkaasi.

Ciidamo deegaameedka Maamulka Waqooyi  ee Galkacyo waxaana la soo warinayaa in saakay xaafadaha Waqooyga Galkacyo ay ka socdaan  howl galo lagu raad gurayo cidii ka danbeysay Dilalkaasi.

Inta badan Dilalka ka dhaca Gudaha Dalka ayaa ku biya shubta hal ku dhig ah in lagu raad joogo cidii ka danbeysay iyadoona inta badan aan la arkin cid si toos ah Dil loogu soo qabtay marka laga reebo xiliyo kooban.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.