Ganacsiga Gaalkacyo oo saaka xiran

Ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa saaka xiray goobahooda gancsi kadib markii la sheegay in lagu kordhiyay canshuurta. 

Warar Keydmedia Online
Ganacsiga Gaalkacyo oo saaka xiran

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarumaha Ganacsiga ee Elektarooniga, Dharka iyo Kabaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa saaka gabi ahaanba xiran, kadib markii ay Wasaaradda maaliyadda Galmudug kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah.

Ganacsatada ayaa sheegay in aysan awood u laheyn lacagta lasoo rogay oo aan kujirin Miisaaniyadda la ansixiyey ee sharciga ahayd, waxayna sheegen in dad gaar ah ay lacagtan qaadanayaan.

Macluumaad soo baxay ayaa sheegaya in ay Canshuurta soo rogidan cusub ay ka timi Wasiirka maaliyadda oo ku amray qeybta wasaaradda ee Galmudug. 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.