Garoonka Aadan Cadde oo dib u furmay

Duulimaadkii diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa saakay dib loo furay, kadib Shil shalay ka dhacay Garoonka. 

Warar Keydmedia Online

Maamulka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in saakay dib u billowday Shaqada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Kadib Diyaarad ay leedahay Shirkadda Silverstone, oo fadhigeedu yahay Kenya ay ku burburtay Garoonka shalay subaxnimo, waxaa hakad la galiyay duulimaadkii diyaaradaha Garoonka Muqdisho.

Diyaaradda ayaa waxay soo dhacday waxyar kadib markii ay u duushay dhinaca Beledweyne, oo gargaar bini'aadanimo u wadey, iyadoo u kireysanayd UN-ka.

Waaxda duulista Garoonka ayaa xaqiijiysay in labo qof ay ku dhaawacmeen shilka, waxayna ahaayeen dadka la socday diyaaradda 4 qof oo shaqaale ahaa dhamaantooda. Waxaa socda howlo diyaarada burbursan goobta looga qaadayo.

Shirkada Kenyan ah oo Silverstone lagu magacaabo ayaa lahayd diyaaradda, oo la sheegay inay ahayd mid duugowday oo aan u qalmin in lagu sii shaqeeyo, iyadoo laga mamnuucay xitaa gudaha Kenya inay ka howlgasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.