Garoonka Diyaaradaha Beledweyne oo la xiray

Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ayaysan u dhameystirneyn adeegyada loogu talagalay Garoon diyaaradeed, waxaana xusid mudan in garoonka laga waayay wax dam-damis ah oo lagu damiyo dambkii ka kacay Diyaaradii shilka ku gashay maalin kahor oo iskeed isaga bas beeshay.

Warar Keydmedia Online
Garoonka Diyaaradaha Beledweyne oo la xiray

Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa maanta si ku meel gaar ah loo xiray Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo maalin kahor uu ka dhacay shil diyaaradeed oo aan wax khasaaro nafeed ah sababin.

Garoonka ayaa waxaa maalinamdii Taalaada aheyd ku soo dhacday Diyaarad xamuul ah oo shixnad gargaar bini'aadanimo u sidday dadkii dhibaatada kasoo gaartay fatahaadii Beledweyne ka dhacday sanadkan, kadib markii uu dhabaha garoonka [runway] soo dhex istaagay Dameer la sheegay in uu shilka sababay.

Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo guddi xaqiiqo raadin ah oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa la kulmay mas'uuliyiin ka tirsan goroonka Diyaaradaha iyo Saraakiisha AMISOM.

Agaasimaha Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo ka mid ahaa wafdiga, ayaa sheegay in garoonka uu muddo xirnaan doono, si looga nadiifiyo bur-burka Diyaaradda, sidoo kalena qiimeyn lagu sameeyo dhismihiisa.

Lama sheegin muddada u xirnaan doono garoonka oo muhiim u ah isu socdka bulshda gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in shilkaan qaabka uu u dhacay ay cabasho ka keeneen saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay oo diyaaradda u kireysnayd.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.