Garoonka Diyaaradaha Xudur oo la dhisayo

Garoonka ayaa ah mid furan dhinacyadiisa, oo xoolaha iyo dadka ay dhex-maraan, taasoo dhibaato ku ah badqabka diyaaradaha halkaasi ka degaya.

Warar Keydmedia Online

XUDUR, Soomaaliya - Saraakiil ka socotay Wasaarada Gaadiidka Koonfur Galbeed oo ay la socdaan Injineero ayaa Maanta si rasmi ah u guda galey Howsha dhismaha Wajiga koowaad ee Garoonka Diyaarada ee magaaladda Xudur, xarunta gobolka Bakool.

Injineerada ayaa qiimeyn ku sameynaya qaabka loo dhisi karo Garoonka iyo agabka uu u baahan yahay, iyadoo Wasaaradda Saraakiisha ka socda ay sheegeen in mashruucan lagu qaban doono Isku-tashi, oo shacabka dhaqaalaha laga aruurin doono.

Garoonka waxaa soo galay Xaafadaha oo hareerihiisa guryo cusub laga dhisayo, iyadoo sidoo kale ay ku yaalaan Ceelal laga waraabiyo Xoolaha, taasoo dhibaato u keeni karta badqabka diyaradaha isticmaalaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.