Garoonka Kismaayo oo la Weeraray

Kismaayo (KON) - Dagaal Xoogan ayaa Xalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, kadib markii ay Al-shabaab Garoonka soo weerareen.
Warar Keydmedia Online
Garoonka Kismaayo oo la Weeraray

Dagaalka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidamada Dowladda Kenya iyo Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac, inkastoo aan la sheegin tirada Dadka ku geeriyooday dagaalka.

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay Duqeyn ay Rideen ay ku Dhaceen Dad Rayid ah oo dagana Duleedka Garoonka Magaalada Kismaayo.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Dhaawacyo dad rayid ah Saaka la geeyey Isbitaalka Magaalada Kismaayo, kuwaas oo ku soo dhaawacmay Dagaalkii Xalay.

Maleeshiyada Al-shabab ayaa marar farabadan soo weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo fariisin u ah Ciidamada Kenya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.