Geelle oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay Muqdisho

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Akadeemiye-Gobolleedka AfSoomaaliga – AGA, labada Madaxweyne ayaa khamiista berri ah si wadajir ah xarigga uga jari doona xarunta cusub  ee akadeemiyadda AGA, taasoo ay hore labadoodu u dhagax dhigeen todobo sano ka hor.

Warar Keydmedia Online
Geelle oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre iyo qaar kamid ah madaxda Dowlad gobolleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale qayb ka ahaa soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Geelle.

Munaasabad kooban oo soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib, Madaxweyne Geelle ayaa loo gudbiyay xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Akadeemiye-Gobolleedka AfSoomaaliga – AGA, labada Madaxweyne ayaa khamiista berri ah si wadajir ah xarigga uga jari doona xarunta cusub  ee akadeemiyadda AGA, taasoo ay hore labadoodu u dhagax dhigeen todobo sano ka hor.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Maxamuud Cumer (Cagjar), ayaa sidoo kale qeyb ka ah martida munaasabadda Xarunta Akedeemiya Goboleedka Af Soomaaliya, halka ay sidoo kale ka qeyb gali doonaan marti ka socota Soomaalida Kenya.

Jidadaka Caasimadda Muqdisho ayaa la xiray xalay saqdii dhexe, jidadka qaar ayaan dadka loo oggoleyn in ay ku lugeeyaan, warbaahinta Dowladda ayaana sheegtay in hay'adaha ammaanku u xireen jidadka magaalada “si loo adkeeyo amniga martida”.

 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.