Gen Xuud oo Baladweyne soo gaaray

Hoggaamiyaha Jabhad la magac baxday Xaq-u-dirir oo ka dhisay gobolka Hiiraan Gen.Xuud ayaa soo gaaray magaalda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Gen Xuud oo Baladweyne soo gaaray

BALADWEYNE, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Jabhadda Xaq-u-dirir ee looga dhawaaqay Baladweyne General Abuukar Xuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo la kulmay waxgardka iyo odayaasha magaalada Baladweyne.

Janaraalka oo ah nin howl gab ah, islamarkaana ka tirsanaa saraakiisha CXD ayaa gadood sameeyay kaddib markii Cali Guudlaawe loo doortay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana Jabhadda uu hoggaamiyo ay sameeyeen bannaan-baxyo ay uga soo hor jeedeen imaashiyaha Cali Guudlaawe ee Baladweyne, iyadoo uu baaqday safarka Cali Guudlaawe uu ku tagi lahaa Baladweyne.

Jananka ayaa intaas wixii ka dambeeyay saameyntiisa sii badaneysay, waxaana dhowr jeer oo hore ugu tagay halka uu xarunta ka sameystay ee duleedka magaalada Baladweyne odayaal iyo wax garad kasoo jeeda Baladweyne.

Dhaqdhaqaayo xooggan ayuu weli ka wadaa magaalada Baladweyne isagoo maanta halkaas kula kulmay Odayaal iyo wax garad reer Baladweyne ah

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.