Gen.Odowaa oo gaaray Baladweyne

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Warar Keydmedia Online
Gen.Odowaa oo gaaray Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raagge ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha waxaa wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, waxaana soo dhaweeyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa howlo shaqo halkaa u aaday, iyadoo la filayo in safarkiisa oo qaadan doona maalmo kooban uu halkaa kula kulmi doono qeybo kamida ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.