Go’aanka DF oo dhaawac wayn gaarsiiyay Dhaqaalaha Kenya

Si suuq Madow ayaa lagu soo gelinaa Qaadka Miiraa loo yaqaano ee laga keeno Kenya, iyadoo doomo looga soo dejiyo Muqdisho, Marko iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Go’aanka DF oo dhaawac wayn gaarsiiyay Dhaqaalaha Kenya

NAIROBI, Kenya - Wasaaradda Ganacsiga Kenya ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo Qaadka Miiraha kadib markii dowladda Farmaajo ka joojiyay in la keeno Soomaaliya oo ahayd Suuqa ugu wayn ee Maandooriyahan loo soo iib-geeyo.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Kenya Johnson Weru oo la kulmay wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi Jimcihii ayaa sheegay in wasaaradu ay wadahadallo kula jirto wadamada ay ka mid yihiin Jabuuti, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Mozambique.

Wuxuu Xoghayaha u balan-qaadey Ganacsatada inuu warbixin kasoo siin doono dedaallada socda bishi March 2021.

"Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaanan la kaashan doonnaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda si aan wadahadal ula furno Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno," Ayuu yiri Mr Weru.

Kadib khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, ganacsatada Qaadka ayaa dowladda Uhuru ku cadaadiyey in ay fududeyso ganacsiga lala yeelanayo wadamada Africa iyo Bariga Dhexe, maadaama dhaqaale la'aan ay ku dhacday, oo ay waayeen wax ka iibsada Miiraha.

"Soomaaliya waxaa loo iib geyn jiray in ka badan 50 tan oo Qaad ah maalintii, ma jirto dal bedeli kara oo intaas oo Qaad ah iibsan kara. Dowladda waa inay aad uga fekerta dhaqaalaha kasoo gali jiray dalaggan macaashka leh," ayuu yiri Mr Munjuri.

In ka badan 15 diyaaradoo oo sida Qaad ayaa maalin kasta kasoo degi jiray magaalada Muqdisho, waxay keeni jireen illaa 12,000 jawaan oo Qaad ah maalintii, kuwaas oo wadartoodu ku cakayso $ 400,000 [Afar boqol oo Kun oo dollar].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.