Go’aanka ICJ ma yahay midkii ay filaysay Soomaaliya?

Maxkamadda waxay diiday dhamaan wixii duruufo ahaa oo Kenya sheeganaysay, iyadoo go'aamisay in inta badan badda lagu muransanaa ay leedahay Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Go’aanka ICJ ma yahay midkii ay filaysay Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed [Khadar], oo ku sugan magaaladda Hague, ayaa sheegay in ICJ ay gaartey go'aan taariikhi ah, kaasoo soo afjaray doodii 7-da sano ka socotay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda.

Wuxuu Mahdi sheegay in go'aanka lasoo saarey uu noqday midkii Soomaaliya fileysay, kadib markii ICJ ay xukuntay in inta badan xuduud badeedkii la isku haystay ay leedahay Soomaaliya.

Illaa 20% ayaa ka maqan badii Soomaaliya u doodaysay, taasoo ICJ sheegtay inay leedahay Kenya. Qubaradu waxay sheegeen in qeybta loo go'aamiyay Soomaaliya ay tahay meesha shidaalka uu ku jiro.

ICJ ayaa sameysay xariiq cusub xuduud badeedka, taasoo muujinaysa in inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya la diiday. Waxay qeyb ka reebtay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

Guddi ka kooban 15 garsoore oo ka tirsan ICJ, ayaa ku gacan seyray sheegashadii Kenya ee ahayd in uu jiray xuduud badeed lagu heshiiyey, waxayna go’aamiyeen in soohdinta badda ay leedahay Soomaaliya.

Kenya ayaa ku dooday in digreeto 1979 -kii uu soo saaray madaxweynihii hore Daniel Arap Moi ay caddeynayso in xuduuddeeda badda u cabiran tahay xagal qaloocan oo dhanka badda ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay in heshiiskii is-afgaradka ahaa [MOU] ee Soomaaliya iyo Kenya gaareen sanadkii 2009 iyo shirarkii xigay inay ahaayeen caddayn cad oo ah in labada dhinacba aan xal gaarin.

ICJ waxay kaloo ogaatay in Kenya ay wada -xaajood la gashay dowladda Soomaaliya sannadihii sideetameeyadii, kaasoo ku dhammaaday natiijo la'aan, waxayna midaas sii caddeyneysaa inaysan waafaqsanayn sheegashadeeda soohdinta badda.

Kenya ayaa horay ugu eedeysay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ inay eex ku shaqeynayso, waxayna sheegtay inaysan aqbali doonin xukunka.

Kiiska ayaa khuseeyay 38,000 sq mile (100,000 sq km) oo ah saddex xagal badweynta Hindiya oo loo malaynayo inuu hodan ku yahay saliid iyo gaas. Khilaafka ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf diblomaasiyadeed u dhaxeeyay labada dal ee deriska ah.

Afartankii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay sheegtey in xarriiqda bari ka xigta barta ay labada dal ku kulmaan xeebta ay ka dhigan tahay xadka badda. Laakiin, Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in soohdinteeda Badweynta Hindiya raacsan tahay isla jihada soohdinta dhulka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Kenya ay shatiyada sahaminta shidaalka ee aagga lagu muransan yahay ka iibisay laba shirkadood oo kala duwan sannadkii 2012.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.