Gobalka Bakool oo lagu xiray dad isticmaala Tubaakada

Wararka laga helayo Gobalada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in maamulka halkaasi ka taliya ay maanta xabsiga dhigeen dad ka mid ah kuwa isticmaala Tubaakada.
Warar Keydmedia Online

Dadka ayaa laga kala qabtay gudaha xaafadaha iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan, waxaana tani ay ka danbeyay kadib markii kol hore ay soo saareen maamulka halkaasi ka taliya.

Qaar ka mid ah Qaraabada dadka xabsiga loo taxaabay ayaa sheegay in talaabadan kuwa ka waa weyn oo in la qaada mudan ay jiraan isla markaana aan xiligan loo baahneyn ficilada ceynkan oo kale ah.

Laakiin dhanka kale maamulka Deegaanadaasi ayaa ku doodaya in ay waajib tahay la dagaalanka falalka ceynkaas oo kale ah iyo in guud ahaan la mamnuuco.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.