Aqriso magacyada Golaha Wasiirrada

Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur), ayaa loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, halka Xasan Macallin Maxamuud, oo dhawaan dagaal mindhicireed kala kulmay RW hore Kheyre laga dhigay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Warar Keydmedia Online
Aqriso magacyada Golaha Wasiirrada

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay, Golihiisa Wasiirrada, 38 maalmood kadib markii uu 25-kii Juun, 2022 helay codka kalsoonida Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasaaradaha la magacaabay ayaa ka kooban 26 Wasaaradood, waxaana hoos loo dhigay tiradada Wasaaradihii xukuumaddii hore oo ka koobneyd 27 Wasaaradood, waxaa meesha laga saaray Wasaaraddii Gargaarka, halka Wasaaraddii Dastuurka lagu daray Cadaaladda.

Waxaa markii ugu horreysay, la soo gordhiyay Wasaaradda Bay’adda iyo isbddelka Cimilada, oo loo magacaabay, Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Bakistaan, Khadiija Al-Makhzuumi, oo ah xaaska Madaxwynihii hore ee GM Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiirkii Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wuxuuna baddelayaa Mahdi Maxamed Guuleed, halka Khadiijo Maxamed Diiriye ay dib u soo laabatay, waxaana loo magacaabay Wasiirka Haweenka.

Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur), ayaa loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, halka Xasan Macallin Maxamuud, oo dhawaan dagaal mindhicireed kala kulmay RW hore Kheyre laga dhigay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, ayaa noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ku sooo noqday jagadii uu horey ugu fadhiyay ee Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka mid ah saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka madixii olalaha ee Madaxweynaha ee xilligii tartanka laga dhigay Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene.

Inta badan Golaha Wasiirrada waa saaxiibada Madaxweynaha, waxa ay banadkood ka yimaadeen xisbiga UPD, ee Madaxweynuha iyo Ra’iisul Wasaaruhu hoggaanka u yihiin, waxayana u badaan yihii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Hoos ka aqriso liiska Golaha Wasiirrada.

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda.

2- Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur), Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

3- Xasan Macallin Maxamuud Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.

4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta.

5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.

6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.

7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.

10 - Cabdullaahi Axmed Jamac (Ilkajiir), Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.

11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.

13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.

14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.

15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.

16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.

17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.

18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.

19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.

20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.

21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda.

22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta.

23 – Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.

25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.

26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.