Golaha Ammaanka ee QM oo Ansixin doona kordhinta Ciidamada AMISOM

Nairobi (KON) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulmay Arbacadii (30-kii October) si ay uga xaajoodaan in Howlgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya (AMISOM) loo kordhiyo ciidamada iyo agabka, taas oo ay diblomaasiyiintu sheegeen inay muhiim u tahay in la tirtiro khatarta joogtada ah ee ka imanaysa al-Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Golaha ayaa la filayaa inay cod ku taageeraan in ciidamada lagu kordhiyo 4,000 oo askari, taasoo tirada sare ee shaqaalaha AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ka dhigaysa 22,000, AFP ayaa warisay.

Ku-xigeenka Xoghaya Guud ee QM Jan Eliasson ayaa golaha u sheegay in AMISOM ay guulo wax ku ool ah oo ka dhan ah al-Shabaab gaadhey, balse uu dadaalkoodu dhowaanahan "joogsadey" sababta oo ah wuxuusan haysan ciidamo ku filan.

"[Al-Shabaab] way guurguurtaa waxayna tababartaa oo ay askareeysaa tiro badan oo ah rag dhallinyaro ah oo niyad jabsan oo shaqo la

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.