Gollaha Amaanka oo noqday meel ‘laga taageero’ Al-Shabaab

Qaraarka cusbooneysiinta xayiraadda hubka waxaa u codeeyay 11 dal oo Kenya ay ku jirto, halka Ruushka, Shiinaha, Ghana iyo Gabon ay ka aamuseen.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Amaanka oo noqday meel ‘laga taageero’ Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa 30 sano saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah, oo lagu soo rogay 1992, taasoo sanad kasta Gollaha Amniga mudo-kordhin ku sameeyay, halkii uu qaadi lahaa dalka, maadaama uu dowladda yeeshay, taasoo dagaal kula jirta argagaxiso Caalami ah.

Maalintii Shalay, Gollaha Amaanka wuxuu soo saarey go’aan cusub oo lagu shaaciyay inay xayiraadda mudo-dheeraad ah ku dareen, iyadoo dowladda Soomaaliya ay kasoo hor-jeysatay tallaabadan, waxayna ku tilmaantay mid cadaalad-darro ah, oo loogu hiilinayo Al-Shabaab.

Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Baalle ayaa sheegay in Gollaha Amaanka uu gacmaha ka xiray dowladda Soomaaliya, oo afartii bilood ee lasoo dhaafay dagaal culus kula jirta Al-Shabaab.

Abuukar Baalle ayaa ka digay in go’aanka Gollaha Amaanka fashil ku keeno dib u dhiska Ciidanka qaranka iyo howlgalka hadada ka socda Soomaaliya, kaasoo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

Safiirka ayaa ku eedeeyay Gollaha Amaanka labo-wajiile-nimo iyo inuu caqabad ku noqday la dagaalanka Al-Shabaab, oo ah Koox khatar ku haysa nabada iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

“Dhibaniyaasha weerarada kooxaha argagaxisadda waxay filayeen in xayiraadda hubka laga qaado dalkooda, si dowladda u ciribtirto kuwa hortaagan qaranimada iyo horumarka Soomaaliya,’ ayuu yiri diblomaasiga.

Dalalka kale waxaa loo ogolaadaa inay qalabeeyaan askartooda, oo hubkii ay u baahan yihiin dibadda uga soo iibsadaan, balse Soomaaliya loo diidan yahay xaqa la siiyay wadamada lamidka ah. Waa cadaalad darro iyo sinnaan la’aan, ayuu hadalkiisa raaciyay Abuukar Baalle.

Qaraarka cusbooneysiinta xayiraadda hubka waxaa u codeeyay 11 dal oo Kenya ay ku jirto, halka Ruushka, Shiinaha, Ghana iyo Gabon ay ka aamuseen.

Waxaa soo gudbiyay qaraarka dowladda Ingiriiska oo hadda ah shir-guddoonka Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobey. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inaysan ku qanacsanayn go’aanka.

Waxay dalalka u codeeyay u cuskadeen go’aankooda in hadii la qaado xayiraadda ay dhici karta in hubka halista ah uu gacanka u galo kooxaha argagaxisadda, sida Daacish iyo Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.