Gollaha Amaanka oo war kasoo saarey weerar ka dhacay Soomaaliya

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in 10 askari looga dilay weerarka, halka Al-Shabaab sheegatay 173 inay dhinteen. Waxaa saldhigga ku sugan Al-Shabaab, iyadoo la burburiyay agabkii yaallay.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Amaanka oo war kasoo saarey weerar ka dhacay Soomaaliya

NEW YORK - Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii bahalnimada ahaa ee Al-Shabaab ay ku qaadey Saldhigga Ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, 3-dii bishan.

Waxa ay Golluhu wax laga xumaado ku tilmaameen weerarka, oo askari Burundi ah naftooda ku waayeen iyagoo gacan ka geysanaya nabadeynta iyo xasiloonida Soomaaliya, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada dadkii ku dhintay, dowladda iyo shacabka Burundi, waxayna u rajeeyeen bogsasho degdeg ah Ciidamada ku dhaawacmay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay DFS iyo ATMIS ku doonayaan inay kaga hortagaan Khatarta Al-Shabaab. Waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ilaa hadda laga diiwaan geliyay Soomaaliya iyo kor u qaadista tayada taageerada Ciidamada Amniga iyo ATMIS.

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in 10 askari looga dilay weerarka, halka Al-Shabaab sheegatay 173 inay dhinteen. Waxaa saldhigga ku sugan Al-Shabaab, iyadoo la burburiyay agabkii yaallay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa xisay in weerarkii Ceel-Baraf uu ka dhigan yahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in dhammaan dawlada iyo ATMIS ay si wadajir ah ula dagaallamaan Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa laga gaabiyay mudadii Farmaajo uu Villa Somalia fadhiyay, iyadoo taasi keentay in la lumiyo goobihii laga saarey Kooxda argagaxisadda tan iyo 2011.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.