Gollaha Amniga oo dib u dhigay bixitaanta Ciidanka ATMIS

Tallaabadan ayaa la qaadey iyadoo laga jawaabayo codsiga Midowga Afrika, ee ah in la kordhiyo mudada loo qabtay in lagu dhimo Ciidanka bishan illaa June 30, 2023.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Amniga oo dib u dhigay bixitaanta Ciidanka ATMIS

NEW YORK - Gollaha ammaanka ayaa Arbacadii shalay ansixiyay qaraar dib u dhigaya dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah.

Tallaabadan ayaa la qaadey iyadoo laga jawaabayo codsiga Midowga Afrika, ee ah in la kordhiyo mudada loo qabtay in lagu dhimo Ciidanka bishan illaa June 30, 2023.

Qaraarkan cusub ee 2670, ayaa ku baaqay in shir rasmi ah oo looga hadlayo isbeddelka Soomaaliya ka dhacaya la qabto May 31, 2023, iyadoo ay ka qayb galayaan dowladda Federaalka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalalka ay Ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Illaa 22,000 oo askari oo Afrikan ah ayaa tan iyo 2007 Soomaaliya ka howlgalayay, mana ku guuleysan inay Al-Shabaab ka saaraan guud ahaan dalka, iyadoo fashilkooda uu keenay inay dowladda Soomaaliya isku tashato, islamarkaana qaado howlgal ballaaran oo dib u xoreyn ah, oo shacabka ay ka qeyb-qaadanayaan.

ATMIS ayaa lagu bedelay magacii AMISOM April 2022, waxaana loogu tala-galay inay kasii shaqeeyaan dalka, inta Ciidanka qaranka loogu diyaarinayo inay la wareegi karaan mas'uuliyadda amniga.

Howlgalka oo dhaqaale badan ku bixiyaan Midowga Yurub iyo QM ayaa la filayaa in lasoo afjaro 2024, waxaana taasi ku xiran tahay hadba sida looga adkaado Kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDAIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.