Goorma ayaa la qabanayaa doorashadda kuraasta Garbahaarey?

Kuraasta Garbahaarey ayaa lagu tilmaamay inay yihiin caqabadda ugu weyn ee doorashadda Soomaaliya hortaagan, taasoo keentay dib u dhacyo isdaba-joog ah.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayaa la qabanayaa doorashadda kuraasta Garbahaarey?

KISMAAYO, Soomaaliya - Gudiga Hirgelinta Doorashadda Jubbaland [SEIT], ayaa sheegay in labo Todobaad gudahooda ku qaban doonaan doorashadda 16-ka kursi ee magaaladda Garbahaarey.

Qoraal Gudiga uu soo saarey ayaa lagu shaaciyay qabashadda doorashadda, balse laguma sheegin goobta lagu qabanayo, iyadoo la ogyahay inuu khilaaf ka taagan yahay Garbahaarey, oo markii hore loo qorsheeyay.

Keydmedia ayaa ogaatey in qorshaha Axmed Madoobe uu yahay in doorashadda lagu qabto Kismaayo iyo Ceel-Waaq, taasoo shacabka Gedo ay kasoo horjeedaan, waxaana tani keeni kartaa dib u dhac kale, hadii aan heshiis degdeg ah laga gaarin.

Gudoomiyaha Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in Gudii uu Rooble u magacaabey qiimeynta Garbahaarey uu hogaaminayo Cumar Dhegay oo ah nin aan jeclayn shacabka gobolka.

Maamulka Garbahaarey ayaa diiday in gudigan uu tago magaaladda, iyagoo sheegay inaysan jirin dibaato qiimeyn u baahan, iyagoo hoosta ka xariiqay in magaaladda diyaar u tahay qabashadda doorashadda 16-ka kursi ee Gollaha Shacabka.

Cumar Dhageey nin jecel ma aha dadka ku dhaqan Gobolka Gedo waxaa uu rabaa in uu marin habaabiyo Doorashada lagu qabanaayo Gobolkaasi,' ayuu yiri gudoomiyaha.

Kuraasta Garbaaarey waxaa isku haya Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana reer Gedo mustaqbalkooda ku lumayoo loolanka labadan hogaamiye oo khilaafkooda qabiil ku saleysan.

Doorashadda Soomaaliya ayaa in ka badan sanad dib uga dhacday waqtigeeda, waxaana loo sababeynayaa muranka Gedo iyo Beledweyne, oo ah labada meelood ee khilaafka ugu daran ka jiro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.