“Gud. Sacdiyo Diinta Islaamka bay ku xad-gudubtay, nama shir gudoominayso”

Waxaa socda Labo Mooshin oo la keenay Baarlamaanka, kuwaasoo muujinaya inuu Gollaha isku bedalayo meel laga abaabulo fowdo siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
“Gud. Sacdiyo Diinta Islaamka bay ku xad-gudubtay, nama shir gudoominayso”

MUQDISHO, Soomaaliya - Cumar Shariif Jeeg, oo kamid ah Gollaha Shacabka ayaa sheegay inay Mooshin ka keeneen Gudoomiye Sacdiyo Samatar, oo uu ku eedeeyay xad-gudub dhinaca Diinta Islaamka.

Isagoo Maanta warfidiyeenka kula hadlayay Muqdisho, ayuu sheegay in Gudoomiye Sacdiyo aysan u qalmin inay Xildhibaanada Shir Gudoomiso, mar hadii sida uu sheegay u geftay Shareecadda Islaamka, oo ah dastuurka Umadda Muslimka ALLE usoo dejiyay inay isku xukumaan.

Xildhibaan Sacdiyo nama shir gudoomin karto, waayo waxay ku xad-gudubtay Shareecadda Islaamka, waxaana ka keenay Mooshin kalsoonida kala noqosho ah," ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu intaasi ku darey in Sacdiyo ay soo qaadatey Qandaraas Gaallo oo Qowmu-luudnimo dalka lagu faafinayo, iyadoo kusoo dhuumanatay Sharciga Jinsiga ee Baarlaamaankii 10aad uu diiday inuu meel mariyo, kaasoo hadda doodiisa dib usoo cusboonaatay.

Xildhibaan Sacdiyo oo laga soo doortay Puntland ayaa dhawaan la kulantay mowjado dhaleecayn ah, kadib markii ay meel fagaaro ah ka tiri: “Haddii aydan aayadda qur’aanka ah igu ilaalinayn, maxaad u diidaysaan in gaalada loo dhowaado? waana loo dhowaanayaa waana lawada gooloobayaa,”.

Waxay hadalkan markii ay dhahday kadib sheegtay Sacdiyo in loo soo hanjabey, oo nolosheeda khatar ku jirto, iyadoo haddana Xildhibaanada Gollaha Shacabka Mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen, kaasoo looga xayuubinayo xilka Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.