Guddiga Abaaraha oo warbixintii ugu horreysay la wadaay CCW

760,000 oo ka mid ah dadka abaaruhu saameeyeen ayaa ka barokacay guryahooda, una baahan hoy, cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah, waxaana isha lagu hayaan sida uu xaaladdan adag u maareeyo CCWarsame.

Warar Keydmedia Online
Guddiga Abaaraha oo warbixintii ugu horreysay la wadaay CCW

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ah Arrimaha Abaaraha iyo Bini-aadannimada Soomaaliya, u qaabilsan Madaxweynaha JFS, ayaa soo bandhigay xog hor leh, oo ku saabsan xaaladaha abaareed ee dalka, taasoo ay la wadaageen Guddiga Abaaraha.

Sida ku cad, war ka soo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee arrimaha bani-aadannimada, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, abaarta ayaa si ba'an u Sameysay 66 degmo oo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee uu dalka ka kooban yahay.

Wuxuu sheegay in tirada dadka waajahaya biyo la'aanta iyo cunto yarida lagu qiyaasayo in ay gaartay 6.9 Milyan, iyadoo laga cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada guud dadka ku nool dalka.

Wuxuu xuay in Guddiga Gurmadka Abaarahu la wadaageen, in UN-ka iyo hay'adda kale ee gargaarka dalka ay calaamadeeyeen 7.7 Milyan dadka sanadka 2022 u baahan gargaar bani-aadannimo balse la caawinayo 5.5 Milyan oo ah kuwa nugul.

Saamaynta isbedelka cimiladu waxay si naxariis darro ah u saamaysay Soomaaliya, taasoo sababtay in abaaruhu noqdaan kuwo soo noqnoqda oo aad u daran, Saddex xilli roobaad oo aan u di’in sidii la filayay, ayaa sababtay xaalad adag.

​​760,000 oo ka mid ah dadka abaaruhu saameeyeen ayaa ka barokacay guryahooda, una baahan hoy, cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah, waxaana isha lagu hayaan sida uu xaaladdan adag u maareeyo CCWarsame.

Sanadkii 2011, Soomaaliya waxaa ka dhacday macluul aad u xun oo dishay in ka badan rubuc milyan qof - kala bar waxay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay shan sano, Dowladda iyo Beesha caalamku waxay ku guul-darraysateen inay wax ka qabataan waqtigii loogu munaasibka ahaa.

Guud ahaan dalalka Geeska Afrika ayaa la daalaa dhacaya xaaladaha abaareed ee aadka u daran, iyadoo in ka badan 23 milyan oo qof ay macluul daran ku wajahayaan dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Oxfam iyo Save the Children.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.