Hab-raacii Guddiga Doorashadda oo mar kale fashil ku yimid

Guddigii uu soo magacaabay RW Rooble ee doorashooyinka kaasoo uu ka taagan yahay muran xooggan ayaa mar kale fashil ku yimid hab raacii doorashooyinka ee uu asteeyay.

Warar Keydmedia Online
Hab-raacii Guddiga Doorashadda oo mar kale fashil ku yimid

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga lau mursan yahay ee doorashooyinka ayaa 29-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 waxuu shaaciyey in tartanka kuraasta Aqalka Sare in la qabanayo inta u dhaxeysa 7-14 January, muddadaasi oo maanta ku eg, iyadoo aysan waxba u qabsoomin.

Waa markii labaad uu fashil iyo dib u dhac ku yimaado doorashada kuraasta Aqalka Sare, iyadoo aysan jirin Musharixiin la diiwaangeliyay, sababo la xiriira muran weli ka taagan doorashadda.

Go'aanka Farmaajo ayaa ah in la qabto doorashada Aqalka Sare oo billow u noqoneysa nooca doorasho ee uu doonayo Madaxweynaha oo saamileyda siyaasadda u dhamayn.

Farmaajo diidmada Mucaaradka iyo qaar kamid ah Maamullada waxay noqotay laf-dhuun-gashay, isagoo ku adkaatay hirgelinta hab raacyadii uu u dhiibay dhallinyarada lagu xareeyay Hotel Decale ee Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qqoor ayaa codsaday in dib loogu dhigo muddadii hore ee loo qabtay in ay ku qabsoonto diiwaan gelinta iyo doorashadda Aqalka Sare, si fursad loo siiyo wadahadallada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen, ayaa go'aansaday in uu ku dhaqaaqo doorasho boob ah, taasoo kuraasta Aqalka Sare xulashadooda laga billaabayo magaalooyinka loo asteeyay ee Baydhabo iyo Baraawe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.