Tirada Xisbiyada la diiwaan-geliyay oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa-bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay tirada Xisbiyada la diiwaan geliyay ilaa iyo hadda, kuwaasoo gaaraya in kabadan 108 xisbi

Warar Keydmedia Online
Tirada Xisbiyada la diiwaan-geliyay oo la shaaciyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka ayaa qabtay shir 4 maalin soconaya uga furmay Mugadisho, kaasoo ay ka qaybgaleen dhamaan hawl-wadeennada Guddiga, waxaana diiradda lagu saaray waxa u qabsoomay mudadii uu jiray.

Gudoomiyaha Guddiga Xaliima Yareey oo shirka furtay ayaa ka hadashay waxqabadkoodii iyo caqabadaha soo wajahay muddada ay shaqeynayeen, iyadoo tilmaantay in Guddiga shaqa wanaagsan uu ka qabtay fulinta qorshayaashii u dagsanaa halka caqabada la xariira arimaha siyaasadda ay wax badan uu suuragali waayeen.

Maxamed Sandheere oo ah agaasimaha Xafiiska diwaangalinta Xisbiyada ayaa ka warbixiyay hawlaha xafiiska u qabsoomay, agaasimaha waxauu sheegay in ilaa 300 oo xisbi ay soo booqdeen xafiiska, lana diwaangaliyay ilaa 108 xisbi, halka ay diwaangalinta KMG ay sugayaan ilaa 25 xisbi.

Guddiga oo la filayay inuu qabto doorashadda 2020-2021 ayaa ku fashilmay, waxaana madaxdii dowlad goboleedyada ay ku baaqeen in la sameeyo guddi ka madax-bannaan midka Xaliima Yareey ay hoggaamiso.

Waxaa la dhisay guddi kale inkastoo lagu muransan yahay qaab-dhismeedkiisa. Xaliimo Yareey, ayaa weysay kalsoonida mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada kaddib markii ay codsatay in muddo hal sano ah loogu daro dowladda hadda jirto iyo guddigaba, si loo fuliyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.