Guddiga FEIT oo amray in la hakiyo doorashada HOP086  

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, ayaa mar kale Guddiga SEIT ee Hirshabeelle, lagu war galiyay in ay dib u dhigaan doorashada kursiga HOP086.

Warar Keydmedia Online
Guddiga FEIT oo amray in la hakiyo doorashada HOP086  

BALADWEYNE, Soomaaliya - Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, ayaa mar kale Guddiga heer gobol ee Hirshabelle, SEIT, ku war galiyay in la hakiyo doorashada kursiga HOP086, kaas oo qorshuhu yahay in saaka uu Baladweyne ka soo qaato Fahad Yaasiin.

Hoggaanka Hirshabelle, ayaa madaxda Guddiga SEIT ee maamulkaas, ku amray in ay Taliyihii hore ee NISA, eedeysane Fahad Yaasiin u xiraan kursigaan, waxaana shalay la guddoonsiiyay marqaatiga musharaxnimo, xilli uu Baladweyne, ka dejiyay askar ergo laga dhigay oo laga qaaday Muqdisho.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu bogaadinayaa Guddiga SEIT ee Hirshabelle dardar gelinta kuraasta deegaan doorashada labaad ee Beledweyne, hasayeeshee wuxuu farayaa, adkaynayaana qoraalkii kasoo baxay guddoonka (FEIT) ee lagu hakiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#086”. Ayaa lagu yiri warka FEIT.

Fahad Yaasiin oo loo heysto gabood-fallo waaweyn oo uu galay intii uu hayay xilka agaasimaha NISA, sida kiiska Ikraan Tahliil, oo gacantiisa ku maqan tan iyo July 2021, ayaa doonaya inuu helo xasaanada Baarlamaan, si uu uga baxsado la xisaabtan iyo in la hor geeyo garsoor daacad ah.

Si hoos loogu dhigo hadal-heynta tagitaanka Fahad ee Baladweyne, waxaa shalay magaalada ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday maqaaxi lagu magacaabo Xasan Dhiif, oo ku dhaw xarunta Maamulka gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu laayay odayaal-dhaqan, siyaasiyiin iyo dhallinyaro aan waxba galabsan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayay warar hoose sheegayaan inuu muddo ka shaqeynayay is hor istaagga boobka Fahad, waxaase loo badinayaa in Guddiga SEIT ee Hirshabelle, uu dhagaha ka fureysan doono amarka FEIT.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.