Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland oo digniino soo saaray

Guddiga KMG ee doorashooyinka dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray digniino la xiriira dadka isku dayaya in ay is diiwaan galiyaan wax ka badan hal mar si ay u codeeyaan. 

Warar Keydmedia Online
Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland oo digniino soo saaray

GAROWE, Soomaaliya - Guddiga Kumeel Gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa soo jeediyay digniino la xiriira dadka doonaya in ay is diiwaan geliyaan wax ka badan hal mar. "Waxaa jira dad system -ku uu soo qabtay oo isku dayay inay halmar wax ka badan isdiiwaangeliyaan, marka diiwaangelintu dhamaato waxaan soo saaridoonaa liiska dadka iskudayadaas sameeyay waxaana loo gudbindoonaa hay’adaha cadaaladda si loogu qaado ciqaabta ku haboon, sida uu qabo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaashu." ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.

Sawir laga soo daabacay system -ka ayaa muuujinaya wajiga iyo macluumaadka ruux isku dayay in uu laba jeer is diiwaan geliyo si marka la gaaro codeynta uu u codeeyo laba jeer, taasina waxay ka hor imaanaysa xeerka iyo sharciga doorashada.

Bulshada ku dhaqan dowlad goboleedka Puntland ayaa isku diyaarinaya markii ugu horreysay in ay codeeyaan, inkastoo aysan jirin wacyi galin ku filan bulshada ku dhaqan degaannada maamulka Puntland oo markii ugu horreysay isku diyaarinaya in uu sameeyo doorasho qof iyo cod ah!

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.