Gud. Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashadda oo gaarey Baydhabo

Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa gaaray magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Gud. Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashadda oo gaarey Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Qaar kamid ah xubnaha Guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay oo uu hogaamiye Cirro, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed xili maanta 5ta January ay ku egtahay waqtigii loo mudeeyay soo gudbinta araajiyadda Musharixiinta Aqalka Sare.

Guddiga oo saakay ka duulay Muqdisho, ayaa la dejiyay si kumeel gaar ah xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaana lagu wadaa inay magaaladda joogaan inta laga qabanayo doorashadda xubnaha KG ku mateli doono Aqalka Sare ee la dhisayo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu noqdo maamulkii u horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, iyadoo la isku khilaafsan yahay hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September ku gaareen Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Lafta Gareed oo daacad u ah Villa Somalia ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay, oo bilaabo doorashada Aqalka Sare, oo labo jeer oo hore dib u dhacday sababo la xiriira khilaafka ka taagan gudiyadda doorashadda.

Madaxweyne Lafta Gareen oo 2018 Villa Somalia ka dhigtay Madaxweynaha KG, ayaa la sheegay inuu la galay Farmaajo heshiis ahaa in labo qof oo isaga isku beel yihiin loo magacaabo Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida, waana loo magacaabey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilalkii xafiisyada dalka wuxuu ku bixinayaa heshiisyo si loogu fuliyo dano gaara oo uu isagu leeyahay, horay waxaa u diiday in ay qabsoonto doorashada Aqalka Sare, madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo isaga laftiisa doonaya ballan-qaad in loo sameeyo iyo xilal sare oo uu la doonayo shakhsiyaad ay isku reer yihiin.

Booqashada wafdigan ee Baydhabo waxay daliil cad u tahay boobka uu go'aansaday inuu Farmaajo ku sameeyo doorashadda dalka, oo laga baqayo inay sababto qalalaase iyo dagaal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.