Guddoomiyaha deegaanka Ceeldheer oo xabsiga loo taxaabay

Guddoomiyaha deegaanka Ceeldheer oo hoos tagta degmada Dhuusamareeb ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii uu u gacan qaaday mid kamida taliye-yaasha ammaanka qaabilsan.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa xabsiga u taxaabay Gudoomiyaha Deegaanka Ceeldheere ee hoos tagta caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, Gobolka Galgaduud.

Cabdulaahi Cabdiraxmaan Raage oo loo yaqaan Xaduur ayaa laga soo xiray deegaanka Ceeldheere oo hoostaga Magaalada Dhuusamareeb halkaasoo Gudoomiye uu ka yahay, waxaana sababta xarigiisa lagu sheegey in uu u gacan qaadey oo uu weerarey Taliyaha ilaalada Koontaroolada Dhamme Cabdi Yare.

Muranka labada masuul ayaa yimid kadib markii xilka laga qaadey Maxamed Axmed maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee Booliiska Ceeldheere, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Faarax Geele Xiireey.

Gacan ka hadalka dhex maray taliyaha iyo guddoomiyaha deegaanka Ceeldheer ayaa waxa uu sababay in la soo xiro, ma jiro wax wara oo kasoo baxa maamulka degmada Dhuusamareeb oo ay hoos tagto deegaanka Ceeldheer ee laga soo xiray guddoomiyaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.