Guddoomiyihii Baladweyne oo shaqada laga joojiyay

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta shaqadii ka joojiyay Guddoomiyaha degmada Baladweyne.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiyihii Baladweyne oo shaqada laga joojiyay

BALADWEYNE, Soomaaliya - Waraaq kasoo baxaday xaafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiye Cismaan Dhuubow, waxaana lagu eedeeyay inuu sameeyay ku xad gudub awoodeed isla markaana uu lacag baad ah ka qaadayay gawaarida dadka shacabka ah.

Afhyeenka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin ayaa sheegay in Shaqadii Guddoomiyaha degmada Baladweyne uu si ku meel gaar ah u sii wadi doono ku xigeynkiisa.

Gobolka Hiiraan ayaa can ku ah in masuulkii xilkiisa laga qaado uusan xil ka qaadistaas aqbalin, waxaana la sugayaa jawaabta gudduumiyaha shaqada laga joojiyay ee Cismaan Dhuubow.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.