Guddoomiyihii deegaanka Hees oo Beledweyne lagu dilay

Guddoomiyihii deegaanka Hees Cabdullaahi Bilig Bilig ayaa xalay lagu dilay xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne. 

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne ku dilay guddoomiyihii deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Qanyar 'Cabdullaahi Bilig Bilig'.

Dilka kadib ciidamo boolis ah oo goobta ka dhawaa ayaa eryaday raggii weerarka ku soo qaaday guddoomiyaha, waxaana goobta ka dhacay is rasaaseyn kooban oo dhex martay dableydii hubeysneed iyo ciidamada amaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday is rasaaseynta lagu dilay, halka saddex askarina booliska kaga dhaawacmeen, waxaana sidoo kale la maqlayay jugta qaraxyo bambaanooyin ah ay kooxda adeegsanayeen.

Marxuumka la dilay ee Cabdullaahi Bilig Bilig ayaa sidoo kale hoggaan u ahaa ciidamo Macawiisley ah oo si iskood ah isku abaabulay, kuwaas oo ka dhisnaa deegaanka.

Ciidamada amaanka ayaa saaka oo Jimcaha howlgalo lagu baadi goobayo raggii xalay weerarka soo qaaday ka wado xaafadaha Kooshin iyo Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne, waxaana howlgalka lagu soo qab qabtay rag lala xiriirinayo falkaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.