Gudi loo magacaabey baaritaanka weerarkii Xabsiga Dhexe

Xogta Keydmedia Online heshay ayaa sheegaysa in bistoolado iyo bambooyin loo dusiyay gudaha Xabsiga, iyadoo lagu qariyay cunto iyo alaabo kale oo Maxaabiista Al-Shabaab loo waday.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta magabaacey gudi lix xubnood ka kooban, oo uu sheegay inuu baaritaan ku sameyn doono weerarkii shalay ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Afar Al-Shabaab ah iyo labo askari oo ilaalada Xabsiga kamid ahaa ayaa ku dhintay dagaal saacado qaatey oo gudaha Xabsiga ka dhacay, iyadoo uu jiraan dhowr maxaabiis oo baxsaday intii ay rasaasta socotay.

Dowladda ayaa looga bartay inay gudi magacawdo markii weerar dhaco, iyadoo halkaasi lagu soo xiro kiiska oo aan jirin wax ka dambeeya, taasina ay keentay inay mas'uuliyiin badan ku dhiiradaan inay Al-Shabaab si hoose ula shaqeeyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.