Gudiga loo dhisay doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya

Kulanka labada Golle oo ka dhacay Caasimadda dalka, ayaa wuxuu ahaa mid ku saleysan magacaabista Gudiga isku-dhafka qaban-qaabada doorashadda Madaxweynaha.

Warar Keydmedia Online
Gudiga loo dhisay doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Maanta yeeshay kulan diiradda lagu saarey arrimaha doorashadda xilka Madaxweynaha dalka.

Ajendaha kulanka ayaa aha magacaabista xubnaha guddiga isku-dhafka ah labada Aqal ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha, oo ka kooban 17 xubin, oo labada dhinac ka imaanaya.

Gollaha Shacabka ayaa soo magacaabey 10 xubin, Aqalka sare 6 xubin, halka mid 17aad uu magacaabay Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe, sida uu dhigayo xeerka Baarlamaanka.

Wali lama oga in bishan ay dhici doonto doorashadda, oo hadda ololaheeda laga dareemayo Muqdisho, oo in ka badan 10 Musharax ay kulamo la yeelanayaan Xildhibaanada, iyagoo codad iibsi socdo.

Waxaa Gollaha Shacabka shaaciyay xubnaha soo socda magacyadooda, oo ay dhiman yihiin saddex aan wali la magacaabin:

  1. Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
  2. Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
  3. Xildhibaan Nuur Mustaf Mukhtaar.
  4. Xildhibaan Beerey.
  5. Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
  6. Xildhibaan Maxamed Caananuug.
  7. Xildhibaan Cumar yuusuf.
  8.  Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Xubnaha Aqalka Sare:

  1. Sen. Cali Maxamuud Gacal oo ka socda (Koonfur Galbeed)
  2. Sen. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo ka socda (Somaliland)
  3. Sen. Catbdiqani Geelle Maxamed oo ka socda (Puntland)
  4. Sen. Farxaan Cali Maxamuud oo ka socda (Galmudug)
  5. Sen. Ibraahim Awgaab Cusmaan oo ka socda (Jubaland)
  6. Sen. Zamzam Cabdullaahi Axmed oo ka socda (Hirshabeelle)

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.