Gudoomiyaha G/Baay oo xilka laga qaadey

Lafta Gareen ayaa Maamulkiisa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta.

Warar Keydmedia Online

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa xilka ka qaadey gudoomiyihii gobolka Baay Cali Wardheere, isagoo ku bedelay mas'uul cusub oo lagu magacaabo Cumar Cali Isaaq Balaash.

Gudoomiyaha cusub ayaa horey usoo noqday Xildhibaan heer Federaal ah, wuxuuna kasoo mid noqday Baarlamaankii 9aad ee dowladdii Xasan Sheekh oo soo shaqeysay 2012 illaa 2016.

Lama sheegin sababta xilka looga qaadey gudoomiyaha Baay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.