Gudoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo xilkii laga qaadey

Lafta-Gareen ayaa go'aankan qaatey kadib soo jeedin wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Gudoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo xilkii laga qaadey

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa xilka ka qaadey gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Waxaa lagu bedelay Maxamed C/raxiin Nuur, oo ay kasoo wada jeedaan Beesha Garre. Go'aankan ayaa loo cuskadey soo-jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkiisa.

Axmed Cumar Maxa'ed, ayaa loo magacaabey gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga gobolka, waxaana xilka qaadista kusoo beegmaysaa xili gobolka ay ka socdaan dagaallo.

Cabdulkhadir siidi ayaan aheyn qof ku cusub xilka. Dhowr jeer ayuu soo noqdey, waxaana lagu xasuustaa inuu hogaaminayay howlgalkii Al-Shabaab looga saarey Baraawe 2014.

Shabeellaha Hoose ayaa ah meel ay Al-Shabaab ku xooggan tahay, waxuuna gobolka xuduud la leeyahay Muqdisho, taasoo keentay in laga soo geliyo qaraxyada baabuurta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.