Gudoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo lagu dilay Laascaanood

Goordhaw ayaa magaalada Laascaanood lagu dilay gudoomiyihii xisbi siyaasadeedka UCID ee Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Gudoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo lagu dilay Laascaanood

SOOL, Soomaaliya- Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa bartamaha magaalada Laascaanood ku dilay gudoomiyihii xisbiga UCID, uga wakiilka ahaa gobolka Sool.

Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Aflahar, waxaana dilka fuliyey labo nin oo dhalinyaro ah.

Kooxdii dilka fulisay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo halka uu falku ka dhacay ay gaareen ciidamada booliska Somaliland.

Xisbi siyaasadeedka UCID oo uu ka tirsanaa marxuumka, ayaa canbaareeyey falkan, iyagoo ku baaqay si deg deg ah loo soo qabto kuwii gaystay dilka.

Laascaanood ahaa sanadihii ugu danbeeyey wajaheysay xaalad amni oo aad u liidata, waxaana kordhayey dilalka loo geysanayo qeybaha bulshada ku nool magaaladaas.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.