Guluf colaadeed oo laga dareemayo Hiiraan

Hiiraan (Keydmedia) - Gobalka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga daremayaa guluf colaadeed oo ay wadaan dhinacyada Shabaab iyo Dooxada Shabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay uu dagaal xooggan ku dhex marayay duleedka magaalda Beledweyne ee xarunta gobalkaasi.
Warar Keydmedia Online

Wararka ay keydmedia kaheleyso dadka ku nool gobalkaasi gaar ahaan deegaanda ku xeeran degmada Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro abaabul dagaal oo ay wadan labada dhinac kaas oo ku beeray shacabka halkaasi ku nool cabsi aad u daran oo ay kaqabaan saameyn dagaal dhex mara mar kale Kooxaha Shabaab iyo Dooxada Shabeelle.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kadib markii uu soo batay abaabulka dagaal ee kajira gobalkaasi in dadka qaar ay bilaabeen in ay isaga hayaamaan goobaha ay suuqara gal tahay in dagaalkaasi uu saameyn ku yeesho.

Gobalka Hiiraan oo ah gobalka labaad ee ugu fowdada badan Soomaaliya ayaa maalmihii aan kaoo gudubnay waxaa kajiray dagaallo dhiig ku daatay oo ay isaga horyimaadeen kooxa isku haya maamulka gobalka, hasa yeeshee aan wax natiija ah ku kala gaarin iyada oo koox waliba balan qaaday in ay dagaalada wadeyso.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.