Guriga Wasiir ka tirsan maamulka Faroole oo la weeraray

Garawe(keydmedia) Waxaa xalay gudaha magaalada Garawe Bam lagu weeraray guriga uu magaaladaasi ka daganaa Wasiirka warfaafinta maamulka Faroole C/xakiin Axmed Guuleed.
Warar Keydmedia Online

Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyooday 5 ka mid ah ilaalada C/xakiin iyadoona ay ku dhaawacmeen qaraxaasi dad kale oo aan tiradooda la ogaan, waxaana qaraxani uu walaac badan galiyay ammaanka Garawe.

Weerarakan ayaa ah kii 2-aad ee ka dhaca deegaanada uu ka taliyo Faroole mudo 12-saacadood gudahood, waxaana qarax shalay galinkii danbe ka dhacay Boosaaso ku geeriyooday 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Faroole.

Dadka qaarkood ayaa aaminsan in qaraxyadan soo laalaabtay ee ka dhacaya deegaanada uu ka taliyo Faroole ayaa waxaa loo aaneynayaa cuqubo laga dhaxlay xasuuqa iyo isir faquuqa ay maamulka Faroole ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.