Guterres oo 4 arrimood kala hadlay Xasan Sheekh

QM ayaa taageero joogta ah siinaysay dowladda Soomaaliya mudo ka badan 12 sano, iyadoo ka caawiso dhinaca bini'aadanimo, dowlad-dhiska iyo doorashooyinka, iyadoo xafiis ku leedahay Muqdisho, kaasoo lagu magacaabo UNSOM, islamarkaana madax ka yahay James Swan.

Warar Keydmedia Online
Guterres oo 4 arrimood kala hadlay Xasan Sheekh

NEW YORK - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa New York kulan kula yeeshay Shalay Xoghayaha Guud ee QM António Guterres, oo ay kawada hadleen arrimo muhiim ah oo dalka khuseeya.

Afar qodob ayuu António Guterres kala hadlay Xasan Sheekh, kuwaasoo kala ah wax ka qabashada abaaraha, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gurmadka bini'aadantinimo iyo kor u qaadista iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo QM.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay inuu wadahadal la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres markii ugu horeysay tan iyo doorashadiisa, islamarkaana uu uga warbixiyo caqabada ay Soomaaliya hadda wajahayso iyo sidii looga taageeri lahaa.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go'an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

QM ayaa taageero joogta ah siinaysay dowladda Soomaaliya mudo ka badan 12 sano, iyadoo ka caawiso dhinaca bini'aadanimo, dowlad-dhiska iyo doorashooyinka, iyadoo xafiis ku leedahay Muqdisho, kaasoo lagu magacaabo UNSOM, islamarkaana madax ka yahay James Swan.

Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan kaalmada dibadda, dhinac walba, hadii ay ahaan lahayd amniga, tababarka Ciidanka iyo kabista Miisaaniyadda dowladda, taasoo ka dhigaysa dalka mid aanan u madax-banaanayn arrimihiisa gudaha, maadaama dowlad walba ay arrimo gaar ah ka fushanayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.