Guudlaawe oo baasiin ku sii shubay xiisadii Beledweyne

Sabtidii, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku boorisay labada dowlad goboleed in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo doorashada kuraasta harsan si loo bilaabo wajiga xiga ee hoggaanka Aqalka iyo codka madaxweynaha ee bisha soo socota.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo baasiin ku sii shubay xiisadii Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha guddiga doorashada heer maamul goboleed [SEIT] Axmed Diini, isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Xuseen.

Guudlaawe ayaa ku eedeeyay madaxa SEIT xil gudasho la’aan iyo la tashi la’aan kadib markii uu xalay ku dhawaaqay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee lagu wado in ay doortaan xildhibaanada Aqalka Hoose ee magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha xilka laga qaadey ayaa ka hor-yimid go'aanka Guudlaawe, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu caqabad ku yahay doorashadda Beledweyne.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo beegmeysa xilli xubnaha SEIT ay si weyn ugu kala qeybsan yihiin labada garab ee is-haya, ee Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed oo isku khilaafay qaabka loo maamulayo doorashada 11 kursi oo Beledweyne yaalla.

Labada Hogaamiye ee ugu sareysa Hirshabeelle ayaa isku haya Kuraas ay raadinayeen Musharaxiin taageersan Villa Somalia, kuwaasi oo isku haleynaya in Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Dabageed oo ka caawinaya inay mar kale kusoo baxaan Doorashada, sida ay Keydmedia Online u sheegeen dad xog ogaal ah.

Dhinacyo hubeysan oo iska soo horjeeda ayaa ku sugan magaalada Beledweyne. Waxaa dhexmaray iska hor-imaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhashay in kuraas la siiyo musharixiin gaar ah, lagana hor-istaago shaqsiyaadka kale ee raba inay ku biiraan Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii hore boqolaal Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari oo uu Turkigu tababaray u daabulay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan si ay u farageliyaan doorashada 25 xildhibaan.

Hirshabeelle iyo Jubaland ayaa ku guuldareystay inay kusoo dhameeyaan doorashadda 15-kii bishan March, oo la rabey inay diyaar ahaadaan 275-ka kursi ee Aqalka Hoose, waxaana taasi ay sabab u tahay caqabadaha Beledweyne iyo Garbahaarey oo salka ku haya khilaaf beeleed.

Sabtidii Shalay, Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku boorisay labada dowlad goboleed in si deg deg ah kusoo gabagabeeyaan doorashada kuraasta harsan si loo bilaabo wajiga xiga ee doorashadda hoggaanka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha bisha soo socota.

Washington ayaa laba jeer ku dhawaaqday inay xayiraad dhanka safarka ku soo rogtay madaxda Soomaalida kadib markii ay wiiqeen hannaanka dimuqraadiyadda iyo inay caqabad ku yihiin doorashada socota oo dib u dhacyo ku yimid tan iyo 2021-kii.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.