Guudlaawe oo booqday degaanno uu fatahaadda ka geystay wabiga Shabeelle

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa booqday degaan kamida degaannada uu ku fatahay wabiga Shabeelle halkaasoo dadka degaanka ay si isku tashi ah usameysteen biyo xireen macmal ah.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo booqday degaanno uu fatahaadda ka geystay wabiga Shabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer  ku tagay Tuulada Moyko oo dhawaan fatahaad uu ka sameeyay wabiga Shabeelle.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Beeraha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana booqashadani ay timid markii dhawaan wabiga Shabeelle uu fatahaad ka geystay markii labaad degaanno hoos taga magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Dadka degaanka ayaa isku dayay carro-tuur ay sameeyeen in ay kaga hor tagaan wabiga oo billaabay fatahaado hor leh kaddib markii uu curtay kana da'een roobabkii xilliga Guga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.