Guudlaawe oo ka dhamaadey dulqaadkii Al-Shabaab

Isagoo ka hadlayay Goobtii qaraxyada ka dhaceen Isbuucii hore, Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab uu waqtieeda dhamaaday, islamarkaana loo baahan yahay in la iska dulqaado dhibaatadeeda.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo ka dhamaadey dulqaadkii Al-Shabaab

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya uusan jiri doonin dulqaad damabe, oo ku aadan weerarada Al-Shabaab, islamarkaana maamulkiisa oo kaashanaya Shacabka ay iska xoreyn doonaan Kooxdan dhibaatada joogtada ah ku haysa dadka iyo dalka.

Cali Guudlaawe, oo booqday Lama-Galaay oo maalmo kahor ka dhaceen qaraxyo dad badan lagu dilay ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay ku jirto maalmaheedii ugu dambeeyay, islamarkaana ay soo dhamaan doonta waqtigii laga baqi jiray, sida uu hadalka u dhigay.

 Al-Shabaab xilliaan waqtieeda wuu dhamaaday, dhawaan guud ahaan dalka oo dhan ayaa laga saari doonaa, ma jiri doono duqlaad dambe," ayuu yiri Guudlaawe.

Waxa uu Guudlaawe xusay in markii Al-Shabaab guuldarro kasoo gaartay dagaalka, oo laga saarey degaanno badan, inay Kooxda fulisay weerarkii Beledweyne, si ay u muujiyo awoodeeda.

Beledweyne waxaa ku dhintay weeraradii ka dhacay Todobaadkii hore in ka badan 40 qof, oo Wasiirkii Caafimaadka HirShabeelle iyo Gudoomiye ku-xigeenkii Hiiraan ay kamid ahaayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.