Guuleed iyo Odowaa oo safar qarsoodi ah ku tagey Eritrea

C/salaan Guuleed, taliye ku xigeenkii hore NISA ayaa sheegay in Mahdi Guuleed iyo Odowaa ay saddex Maalmood kahor tageen Asmara, iyadoo ay la socdaan wariyeyaal katirsan SNTV, balse illaa hadda dowladda aan shaacin safarkooda.

Warar Keydmedia Online
Guuleed iyo Odowaa oo safar qarsoodi ah ku tagey Eritrea

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen Odowaa Yuusuf Raage ayaa safar qarsoodi ah ku tagey Eritrea kadib markii ay dhalinyaro badan oo dalkaasi lagu tababararay la geliyay dagaalkii Itoobiya sanadkii tagey.

C/salaan Guuleed, taliye ku xigeenkii hore NISA ayaa sheegay in Mahdi Guuleed iyo Odowaa ay saddex Maalmood kahor tageen Asmara, iyadoo ay la socdaan wariyeyaal katirsan SNTV, balse illaa hadda dowladda aan shaacin safarkooda.

Wafdi DF ayaa socdaalkiisa yimid kadib markii Farmaajo cadaadis xooggan iyo cambaareyn kala kulmay dhalinyaradda loo diray dagaalka Itoobiya, ee dhimashooda la qariyay.

Sarkaalkan oo ah shaqsigii dusiyay xogta dhalinyaradda lagu dilay gobolka Tigray ayaa intaasi ku daray inuu hayo liiska diiwaangelinta wiilasha loo qaadey Eritrea kadibna loo qaadey Itoobiya sanadkii tagey, islamarkaana intooda badan la dilay iyagoo dagaal kula jira TPLF.

Waxaa marba marka kasii dambeysa isa-soo taraya wararka ku saabsan Caruurta la askareeyay ee loo diray Eritrea kadibna ka qeyb qaatey colaadda Itoobiya, iyadoo waalidiinta dhalay ay banaanbaxyo ka dhigeen magaalooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.