“Madaxda dowlada danahooda gaarka ah ayeey ku mashquulsanyihiin”

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Marka aad tagto meelaha ay dadka isugu yimaadaan ee magaalada Muqdisho waxaa si weyn looga hadal hayaa dhaliilaha madaxda dowlada KMG ah gaar ahaan labada shariif.waxaana dadku ay ka careysanyihiin wax qabad la’aanta dowlada iyo dayaca shacabka.
Warar Keydmedia Online

“ Shariif Xasan waxa uu iska dhisanayaa guryo, oo lacago  ayuu iska aroorsanayaa, safaradiisu waa joogto oo mar walba waa nin maqan waxaana mar  uu tagaa Imaaraadka Carabta oo ah halka laga hago ganacsiga aduunka” erayadaas waxa aad maqleysaa mar walba oo aad gaari raacdo, ama aad fariisato meel ay dad isugu yimaadaan.

“ Madaxweynaha waxa ka bixi la’yahay aroos iyo shir joogta ah, madaxtooyada iyo Villa Baydhabo wuxuu ka kala dhigtay laba guri oo uu si gaar ah u maamusho isaga, waxaana taas cadeynaya dhaqdhaqaayada ciidamada Amisom ee dhawaan ku soo kordhay wada danwadaagta oo aanay kol hore isticmaali jirin, ciidamadan ayaa ah kuwa ilaaliya guriga labaad ee madaxweyne Shariif (Villa Baydhabo)”. Erayadaa iyo kuwa kaloo badan waa kuwa laga maqlo shacabka marka ay madaxweynaha ka hadalkiisa damcaan.

R.wasaare Farmaajo oo dhawaan ku soo biiray masrax siyaasadeedka Soomaaliya inkastoo aanu si wanaagsan ula qaabsan qaab dhaqanka guracan ee dowlada hadana waxa uu la anfariirsanyahay hamiga labada shariif iyo haadaanta uu dalka ka sii dhacayo.

Inkastoo madaxda dowlada ay ku mashquulsantahay tacbasho hanti, safaro dalxiis ah, iibsasho guryo iyo Guur isdaba  joog ah ayaa hadana waxaa xusid mudan in shacabka ay baahi, diif iyo darxumo abaareed ugu geeriyoonayaan deegaanada tirada yar ee ay dowlada ka taliso.

Www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.