Guuxa xildhibaanada: Madaxweynaha 7 casho ayaa u hartay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Hoteelada Magaalada Muqdisho ee ku yaala deegaanada ay dowlada ka taliso ayaa iminka waxaa ka soconay guux balaaran iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Shariif.
Warar Keydmedia Online

Xildhibaanadan guux siyaasadeedka wada oo la aaminsanyahay inuu abaabulay gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ku doodaya in waqtiga madaxweyne Shariif uu ku egyahay 1-Fep 2011 mudadaasoo iminka ay ka harsantahay 7 casho oo kaliya.

Xildhibaanada ola-olahan wada ayaa waxaa ka dhex muuqda kuwa intooda badan ka soo jeeda gobalada Bay, Bakool, Bari iyo Nugaal inkastoo ay ku jiraan kuwa kale sida hogaamiya kooxeedyadii hore qaarkood.

Waxa ay ku doodayaan xildhibaanadan in mudadaasi wixii ka danbeeya Shariif Xasan uu kusime madaxweyne noqonaya isla markaana la qaban qaabinayo doorasho cusub, taasoo hamiga sheikh Shariif ee dhanka siyaasada la aaminsanyahay saameyn balaaran in ay ku yaalan doonto.

Ola-olaha siyaasadeed ee meesha looga saarayo madaxweyne shariif ayaa mudadanba waxaa lagu abaabulayay dalalka dariska ah gaar ahaan Kenya, waxaana dhawr shir oo ka dhacday guriga Cali Max’ed Geedi ee Kenya ku yaala looga hadlay arimo ku saabsan isbadalka siyaasada Soomaaliya Shiikh Shariif kadib.

Shariif Xasan sheikh Aadan oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa iminka isu diyaarinaya qabashada xilka madaxtinimo ee soomaaliya, waxaana si taasi ay ugu suurta gasho uu iminka ku howlanyahay aroorsiga lacagihii uu loolaankaasi adag ku gali lahaa.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.